Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya ay la wareegeen ammaanka magaalada.
Amar kasoo baxay taliska ciidamada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu amray ciidamada ku sugan magaalada Beledweyne inay sugaan ammaanka magaalada inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.
Ciidamadan ayaa maanta lagu arkay xarunta Gobolka Hiiraan, Buundooyinka Liiq liiqato iyo Buundaweyn, koontaroolka Nuur Xawaad iyo qeybo ka mida Magaalada Baladweyne.
Tallaabada ay qaaday dowladda Federaalka ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Hiiraan iyo qaar ka mida odayaasha ay sheegeen inay halkaasi ka dhiseen maamul la baxay Hiiraanland, waxaana magaaladaasi ku sugan madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.