Dagaal muddo kooban socday ayaa degaanka Xaawo Cabdi duleedka Muqdisho ku dhex maray dagaalamayaasha Alshabaab iyo ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar ku qaadeen Bar koontorool oo ay degaanka Xaawa Cabdi ku leeyihiin ciidamada Booliska ee Haramcad ee ilaaliya dhismaha wadadda Muqdisho iyo Afgooye, waxayna labada dhinac is weydaarsadeen rasaas culus.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inuu dagaalku ahaa mid waqti yar socday, balse rasaas xoog leh ay dhacday, waxaana saraakiisha Amniga ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Gaari nooca NOAH ah iyo saddex qof oo la socday.
Alshabaab ayaan wax War ah kasoo saarin iska hor imaadka ay la galeen ciidamada dowladda, laakiin waxay weerarro joogto ah ka wadaan caasimadda.
