Wednesday, July 2, 2025

Q/Midoobay oo shaacisay in Ciidamada Eritrea ay maamulaan Qeyb ka mida Gobolka Tigray ee Itoobiya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Ereteriyaay xilligan maamusho qeybo ka mida Gobolka Tigray ee dalkaItoobiya.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan xuquuqul insaanka dalka Eritrea Mohamed Abdelsalam Babiker oo khudbad ka jeediyey Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay warbixinta xaaladda xadgudubyada ciidamada Ereteriya ka geysteen Gobolka Tigreega sida: Dil sharciga ka baxdan, afduub iyo qasab ku celinta qaxootiga Eriteriya ee joogay Gobolka Tigray.

“Xogta aan hayo, Eritrea waxay si weyn gacanta ugu haysaa gobolka Tigray … gaar ahaan labada xero: Hitsats iyo Shimelba,” ayuu yidhi Babiker, isaga oo ula jeeday xeryaha ku yaal Tigray ee ay degan yihiin qaxootiga kasoo jeeda Eritrea.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaxootiga Eritereya ay weerareen oo ay ka qafaasheen xeryaha rag hubaysan oo looga shakiyay inay yihiin ciidamada Eritrea. “Meesha ay ku sugan yihiin qaxootiga wali la waayey, runtii waa arin walaac weyn laga qabo,” ayuu yiri Khabiirka Babiker, isaga oo ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo arrintan.

Eritrea ayaa ciidamo u dirtay Gobolka Tigray, kadib markii militariga Itoobiya ay bilaabeen werarkooda bishii Nofembar 2020, si ay uga jawaabaan weerarada ay ciidamada gobolka ku qaadeen saldhigyada dowladda federaalka. Ereteriya waxay beenineysay muddo bilo ah in ciidamadeedu ku sugan yihiin Tigray, laakiin markii dambe ayey qiratay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ereteriya ayaa shalay ka jawaabtay warbixintan, waxayna ku eedeysan Golaha Xuquuqda Aadanaha Q/Midoobay ee magaalada Geneva inay bartilmaameedsanayeen Eritrea in ka badan 10sano iyagooo soo saaraya warbixinno siyaasadaysan oo been ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON