Thursday, June 26, 2025

Ciidamada Hay’adda NISA oo Gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay sarkaal ka tirsan Ururka Khilaafada Islaamiga ee Daacish.

Qoraal ay NISA soo dhigtay baraha bulsjhada ayey ku sheegatay in in Ninka lagu qabtay howlgal ay xalay ka sameeysay Magaalada Muqdisho, wuxuuna u qaabilsanaa Daacish arrimaha dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa caadiyan wax faahfaahin ah ka bixin wararka ku saabsan howlgallada lagu qabto xubnaha ka tirsan Alshabaab iyo Daacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON