Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ayaa shaacisay in 19-ka November 2018 Ciidamada NISA ay magaalada Muqdisho kao qabteen xubno Kooxda ka tirsan ISIS.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay Xubnahaan ka tirsan Kooxda Daacish lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo Ciidamada Hay’adda NISA ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, iyadoo aanay qofna wax ku noqon.
“Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November, 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho kasoo qabtay xubno ISIS ah, Howlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax kunoqon u fulay, Soo qabashada xubnahaan ayaa Dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena” sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA.
NISA ayaa muddooyinkii danbe baahisa warar ku saabsan howlgallo iyo xubno ka tirsan Alshabaab iyo Daacish oo la qabto iyadoo aan faahfaahin ma caddeyn laag bixin, lana soo bandhigin.