Wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamada huwanta ee maamulka Jubba, dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Mareykanka ay ku jiraan diyaar garowgii dagaal ee ugu danbeeyay.
Ciidamadan tiradii ugu badneyd la geeyay degaanka Bar Sanguni oo 50 KM u jira magaalada Kismaayo, waxaana si weyn looga dareemay inay dagaalka ku biireen ciidamada xoogga dalka ee raacsan dowladda federaalka oo markii hore ku yaraa.
Waxaa dhowaan halkaasi booqday taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. C/weli Jaamac Gorod, iyadoo diyaarinta ciidamada ay soo gabagabowday, waxaana dhinaca cirka iyo farsamada ka taageeraya ciidamada Mareykanka.
Degaanka Baar sanguuni oo bartmihii bishii Ramadaan ay gaareen ciidamada huwanta ayaa Alshabaab kala kulmay weeraro iyo qaraxyo keenay in askari Mareykan ah lagu dilo, laguna dhaawaco 4 kale.
Dadka degaanka ayaa soo sheegay ina arkeen ciidamo fara badan oo ku qulqulaya degaanka Baar-sanguuni, iyadoo wadadda tagta Kismaayo gebi ahaan laga joojiyey dhaqdhaqaaqa gaadiidka.