Ciidamada gaarka ah ee ilaalada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo diyaarado looga qaaday magaalada Kismaayo.
Ciidamadan ilaalada u ah Axmed Madoobe ayaa ku hubeysnaa hubka fudud iyo Boobayaasha culus, waxaana lagu wareejiyey Gawaarida dagaalka; iyagoo la dejiyey Guri gaara oo magaalada Dhuusamareeb loogu diyaariyey in la dejiyo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa hore magaalada Dhuusamareeb ula tegay ciidamadii ugu badnaa ee ilaalo u noqda si ay ammaankiisa u sugnaan, waxaana sidoo kale ciidamo sidaas oo kale ah xarunta Dhuusamareeb la tegay Madaxweynaha Puntland.











