Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug gaaray ciidamada ilaalada Madaxweynaha iyo howlwadeeno ka tirsan xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
Diyaarad ka tagtay magaalada Muqdisho ayaa qaaday ciidamada Madaxtooyada ee ilaalada Madaxweynaha iyo xubno ka socday xafiiskiisa, kuwaasoo hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo la filayo inuu ku tago magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay u sheegay xildhibaanno taageersan oo kulan la yeeshay inuu tegi doono magaalada Dhuusamareeb, kana qeygeli doono wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaasoo looga hadlayo Qaabka Doorasho heshiis lagu yahay oo dalka ka dhacdo 2020/2021.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb uga horeeyay Madaxweyaha Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa inay kusoo laabtaan madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.