Ciidamada ilaalada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno hordhac u ah wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ciidamadan iyo xubnaha labada gole ee la socda ayaa maray dhinaca dhulka, waxayna saaka ka gudbeen degaanka Godinlabe iyagoo ku sii jeeda magaalada Cadaado oo tan iyo shalay ay ka socotay qabanqaabada loogu jiro tegista Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisal wasaaraha ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay waxgaradka iyo odayaasha magaalada oo ay ka wadahadleen xaaladda Galmudug iyo sidii maamul mideysan loogu sameyn lahaa maamulkaasi.
Waxaa magaalada Cadaado ku qulqulay xildhibaannada labada aqal ee siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug, waxaana tegista Ra’iisal wasaare Kheyre kadib la filayaa inay kulmaan madaxweyne Xaaf iyo xubnaha ku sugan magaalada.
Wafdiga Raiisal wasaaraha ayaa lagu wadaa inay galabta safar dhinaca dhulka ah ku gaaraan magaalada Caddaado.




