Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad ka qaatay Garowe.
Ciidamadan oo si xoog leh u hubeysan, isla markaana wata Boobayaasha culus iyo qoryaha Gantaalaha laga tuuro ee RBG, waxaa kaloo la arkayay inay hore u soo qaateen kartoono ay ku jiraan Rasaas, waxayna hordhac u ahaayeen Madaxweynaha Puntland oo maanta gelinka danbe lagu wado inuu gaaro caasimadda Muqdisho.
Madaxweynayaasha Puntland ayaa caadiyan Muqdisho la imaan jiray ilaalo, balse ilaalada Siciid Deni ee maanta soo gaartay Muqdisho waxay ahaayeen kuwii ugu badnaa uguna hub badnaa ee caasimada yimaada.

