Ciidamada Milatariga Itoobiya ayaa qabsaday Garoonka magaalada Humera ee waqooyiga Gobolka Tigray, kadib dagaal qaraar oo dhex maray ciidamada Gobolkaasi.
Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa shaacisay maanta inay ciidamada Federaalka qabsadeen garoonka Humera oo ku yaalla meel 67km u jirta Koonfurta magaalada Humera, waxaana lasoo weriyey inay dagaalka ku dhinteen boqolaal askari oo labada dhinac ah. 500 askari ayaa la sheegay inay ka dhinteen ciidamada TPLF ee Gobolka Tigray, halka Ciidamada Itoobiya ay dagaalka uga dhinteen boqolaal askari.
Garoonka Humara ayaa ku yaalla xuduudka Itoobiya la leedahay dalalka Suudaan iyo Eritrea, waxay kaloo ciidamada Itoobiya qabsadeen Jidka magaalada ku xira xuduudka Suudaan, sia ay shaacisay wakaalada Wararka FANA oo raacsan xukuumadda Itoobiya.
Dhinaca kale hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay Eritrea inay ciidamadeeda soo galeen dagaalka oo ay qabsadeen magaalada Humera, ayna adeegsanayaan hub waaweyn sida uu shaaciyey Telefishinka localka ah ee Gobolkaasi.
Xaaladda ayaa kasii dareysa Gobolka Tigrey, tan iyo markii uu dagaalka ku qaaday Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana xuduudka Suudaan ka gudbay boqolaal qaxooti ah oo ka qaxay dagaallada socda.
