Monday, November 23, 2020
More

    Ciidamada Itoobiya oo Taangiyo ku go’doominaya Caasimadda Tigray iyo Waraaqo digniin ah oo hawada looga daadiyey

    Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa is diyaarinaya dagaalkii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan inay qabsadaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, waxaana diyaradaha Helikobtarka ay waraaqo digniin ah ku daadiyeen daafaha magaaladaasi.

    Ciidamada Itoobiya ee ku sii jeeda magaalada Makelle ayaa ku hubyesan Taangiyo, waxayna uga digayaan dadka shacabka ah in ay sidoo kale madaafiic u adeegsan doonaan magaalada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Ad

    “Qeybaha xiga ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca,” ayuu Colonel Dejene Tsegaye oo ah Afhayeenka militariga u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC.

    Wararka Dagaalka ayaa ah kuwo aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

    Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidamada federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle. Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

    “Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya aysan ku leexan inay nadiifiyaan magaalooyinka ay qabsadeen oo ay weli haraarahooda joogan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka ah ee Tigreega, waxaana laga yaabaa inay dagaallo kale qaadaan.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,693FollowersFollow
    151,122FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,692FollowersFollow

    TOP NEWS

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    Senator Muuse Suudi: “Mahdi Guled reer waqooyi waa naga celi waayeen, haddii Amxaaro leedahayna waa naga celi weysay”

    Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhaliil u jeediyey Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. "Dad aan dhowri...

    Qoorqoor oo shaaciyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxweyne Farmaajo & Musharixiinta Mucaaradka

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xaqiijiyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Qoraal uu...

    14 Musharax oo Puntland & Jubbland ka dalbaday inay bedelaan xubnaha ugu jira Guddiyada Doorashada

    14 Musharax Madaxweynaha war-saxaafadeed ay soo saareen uga dalbaday maamullada Puntland iyo Jubbaland inay bedelaam xubnaha ay u soo madacaabeen Guddiyada Doorashada heer Federaal...

    Mahdi Guuleed oo khudbad hanuunin ah u jeediyey Guddiyada Doorashada ee Xukuumaddu magacawday

    Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee xukuumaddu magacawday ee qabyada ah. Isagoo xubnaha Guddiyada Doorashada...

    Ciidamada Itoobiya oo Taangiyo ku go’doominaya Caasimadda Tigray iyo Waraaqo digniin ah oo hawada looga daadiyey

    Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa is diyaarinaya dagaalkii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan inay qabsadaan caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, waxaana diyaradaha Helikobtarka ay...

    XOG: Qoorqoor oo halis ugu jira inuu kala doorto Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta culus ee Beeshiisa

    Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhexda uga jira xaalad adag oo kasoo wajahday musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug, kadib muran ka...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!