Monday, June 23, 2025

Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu Qarxiyey duleedka Magaalada Jowhar

Wararka laga haleyo magaalada Jowhar  ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu qarxiyey duleedka magaalada Jowhar, iyagoo ku socdaalayey jidka isku xira Jowhar iyo Balcad.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa lagu qarxiyey Gaari nooca Landcruizer (Cabdi Bille) ah degaanka Ilbaq oo ku dhow Haansheekh iyadoo ku sii jeeday magaalada Jowhar, waxaana la sheegay inuu qaraxa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ciidamo gurmad ah oo ka tegay magaalada Jowhar ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo halkasi ka qaaday askartii ku waxyeelowday qaraxa.

Inkastoo ciidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda la dejiyay jidka dheer ee isku xira Balcad iyo Jowhar ayaa haddana Alshabaab ay si joogto ah uga fulisaa qaraxyo iyo weerarro toos ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON