Sunday, July 13, 2025

C/qaadir Luga-dheere oo kashifay heshiis ay Kismayo ku gaareen Cumar C/rashiid, Axmed Madobe & C/weli Gaas

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) ayaa  kashifay heshiis aan la shaacin oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ku gaareen magaalada Kismaayo kadib markii saddex mas’uul isku hareen.

lugadheere

C/qaadir Lugadheere oo ka hadlayay xaflad lagu soo gabagabeeyay caleemasaarkii Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in 19-ka bisha September in  magaalada Kismaayo lagu qaban doono shirkii wadatashiga aayaha Soomaaliya iyo hiigsiga cusub, ayna   kasoo qeyb geli doonaan Maamul Gobboleeyada iyo Dowladda Dhexe ee dalka.

Wuxuu intaas taaciyay in arrintan ay si wadajir ah u wada go’aamiyeen Madaxweynaha Federaalka, RW Sharmaake, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Hadalka Lugadheere ayaa ahaa go’aan ka soo baxay shirkii saddexda nin ee Cumar C/rashiid, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, iyadoo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu muqdisho kula soo laabtay arrintaasi, taasoo si weyn uga hor yimaadeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulada K/galbeed iyo Galmudug.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo wadajira ayaa Kismaayo looga dhawaaqay in 20-ka Bishan uu shirka wadatashiga ka furmi doono magaalada Muqdisho, waxayna arrintan noqoneysaa caqabad kale oo mar kale loo dhigayo shirarka Muqdisho ka dhacaya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON