Tuesday, July 8, 2025

Ciidamada Kumaandoos Somali iyo Mareykan ah oo Dagaal ku qaaday Xarunaha Alshabaab ee Sh/Dhexe

Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada kumaandooska Milateriga Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerarro kedis ah ku qaadeen saldhigyada Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka socda degaanada Basra, Buulo kuunto, Garasweyne, degaanka Daniga Baalow, oo dhamaatood ka tirsan Shabeelada Dhexe. Waxaana goobahaasi ku yaallay xarumo ay AlShabaab ku tababari jireen caruurta ay u diyaariyaan dagaallada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay qabsadeen saldhigyo dhowr ah, isla markaana ay jiraan qasaare xoog leh oo la gaarsiiyey kooxda Alshabaab, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Degaandan ayaa dhinaca Galbeed ka xiga  degmada Balcad, waxayna noqdeen saldhigyo laga maamulo kooxda Alshabaab ee weerarka ku heysta Gobolka SH/dhexe iyo Jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON