Monday, June 23, 2025

Ciidamada kumaandooska ee degan Ballidoogle oo Oday Caan ah ku dilay Degmada Wanlaweyn, meydkiisiina qaatay.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Danab ee Mareykanku tababaray ee fadhigoodu yahay Saldhigga Ballidoogle ay weerar ka fuliyeen degmada Wanlaweyn, halkaasoo ay ku dileen Oday caan ka ahaa degaanka.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay toogasho ku dileen Axmed Xuseen, kadib markii ay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyn ee degmada Walanweyn ku weerarreen, kadiba ay halkaasi ka qaateen meydkiisa.

Howlgallada ciidamada degan salhigga Ballidoogle ee loo yaqaan Baangaraafta ayaa ah kuwo gaara, waxayna hore isla degmada Wanlaweyn ugu dileen xubno lagu eedeeyay inay Alshabaab ka tirsanaayeen, taasoo dadka degaanka ay si weyn uga caroodeen.

Ad

War ay faafisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa goor dhowweyd lagu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgal ku khaarijiyeen Maxamed Cismaan (Buluush) oo ahaa horjoogihii Qaraxyada Alshabaab ugu qaabilsanaa G/Sh/Hoose.

Ciidamadan ayaa isla Wanlaweyn ku dilay horaantii bishii Oktoobar 2018 wadaad lagu magacaabi jiray Macallin Nuur Cismaan Bilaal oo ahaa wadaad caan ah oo kitaabada ka akhriya masaajidda, laakiin ciidamadan ayaa ku eedeeyay inuu ka tirsanaa Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON