Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada Amniga ee Booliska ay ku toogteen Isgoyska Maanaboolyo nin hubeysan oo la socday Mooto Bajaaj.
Sida ay noo sheegeen ilo xogogaal ah Ninka ay dileen ciidamada fadhigoodu yahay Isgoyska Maanaboolyo ayaa ahaa askari lagu magacaabi jiray Bashiir Maxamed Xasan Wancade oo ka tirsanaa ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Sowdo Maxamuud Gaabow.
Wararka ayaa sheegaya in askariga oo saarnaa Mooto Bajaajta ay joojiyeen ciidamada, kadibna uu muran dhex maray skarkii gobtaasi ku sugneyd, kadibna ay halkaasi ku toogteen, waxaana meyka askariga uu muddo saacado ah yaallay halkaasi intii aysan markii danbe qaadin ehelkiisa.
Qoriga u watay askariga iyo meydkiisa ayaa la geeyay CID-da iyadoo baaritaan lagu sameeyay, waxayna ehelka askariga ay sheegeen inay doonayaan cadaalad, iyadoo si bareer ah loo dilay askariga, ayna weli goobtii ku sugan yihiin ciidamadii falkaasi geystay.