Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo wadajir ah oo ka kooban Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan oo Cir iyo dhul ah ku qaadeen saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan degmada Balcad.
Weerarka ayaa lagu qaaday Saldhigga Alsahbaab ku leeyihiin tuulada Basra ee hoos tagta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, waxayna dadka degaanka sheegayaan inay maqleen rasaas culus iyo madaafiic halkaasi ka dhaceysa oo u badan duqeyn Cirka ah.
Weerarka ayaa ku bilowday duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulinayaan diyaaradaha dagaalka is-wada ee Mareykanka, iyadoo dagaal toos ah oo dhinaca dhulka ah ay degaanka Basra ku qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Mareykanku tababarreen.
Alshabaab ayaa inta badan isaga baxda degaanada ay weerarka ku soo yihiin ciidamada Soomaalida, kadib markii ay ka war helaan, iyadoo xubno la shaqeeya ay u joogaan degaanada ay ciidamada kasoo duulaan.