Thursday, March 28, 2024

Ciidamada Kumaandoska Somalia & Mareykanka oo howlgal ku dilay Horjoogayaal ka tirsan Alshabab [Akhriso]

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero Malatari ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay Saqdii dhaxe Howlgal qorsheysan ka fuliyay saldhig kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu burburiyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen gudaha degmada Awdheegle. Saraakiil ka tirsan Danab ayaa idaacadda Ciidamada ee Muqdisho u sheegay in weerar dagaal iyo duqeyn ah ay ciidamada Danab iyo Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Awdheegle.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada la duqeeyay ay ku sugnayeen Horjogayaal Soomaali iyo Ajanib ah kuwaasi oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab. Maleeshiyaad iyo horjogayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka duqeynta sida ay sheegeen Saraakiisha Danab, inkastoo aanay jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay.

Ad

Saraakiisha ciidamada danab ayaa Magacyada horjogayaasha lagu dilay weerarka ku kala sheegay Sidatan:  Abuu yuusuf Alsuuf oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Lubnaan,  Yaxye Aldhaalib oo heesta dalka Suudaan, iyo Abuu Xasan Xamsa oo Al-shabaab kaga soo biirey dalka Yeman.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON