Wednesday, June 25, 2025

Ciidamada Madaxtooyada oo Afgooye ku qabtay xubno ka tirsan Alshabaab & Farmaajo oo ku sii jeeda

Wararka laga helayo degmada  Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo halkaasi la geeyay ay howlgal ku qabteen xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Ciidamada Madaxtooyada oo watay Eeyo tababarran ayaa Afgooye u tegay sugidda amniga magaalada oo maanta uu booqan doono madaxweyne Farmaajo, waxaana xubnaha Alshabaab ee la qabtay ay ahaayeen laba nin oo dhalinyaro oo la sheegay in ay qirteen inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Magaalada Afgooye ayaa maanta waxaa booqanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo ciidamo fara badan oo ka horeeya la geeyay halkaasi saaka, waxaana socda diyaargarowga safarka madaxweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON