Ciidammada Mareykanku ee ka howlgala saldhigga ay ku leeyihiin dalka Jabuuti ayaa heegan la geliyay, iyadoo loo diyaariyey faragelin ay ku sameeyaan dalka Itoobiya haddii uu dagaalku soo gaaro caasimadda Addis Ababa.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee saldhiga dalka Jabuuti Jeneral William Zana ayaa sheegay in diyaar u yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka gobolka Geeska Afrika, ayna dibaato kasta oo ka dhacda dalka Itoobiya ay saameyn ku yeelanyso ammaanka iyo xasilloonida guud ahaan gobolka.
“Marka itoobiya uu ka dhaco dagaal gudaha ah taasi waxay sababi kartaa in ay go’aansadaan in ay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay kala soo baxaan, waxaa halkaasi ku sugan 5 dal oo ka tirsan midowga Afrika oo ay arrintan saameynayso waxa jirta suurtagalnimo ah in kooxaha xagjirka argagixisada ay halkaasi dhaqdhaqaaq ka sameeyaan,” ayuu yiri Mr Zana.
Mar wax laga waydiiyay tallaabada ay militariga Mareykanka qaadayaan haddii ay TPLF soo galaan Addis ababa ayaa waxaa uu sheegay in doorka ay u joogaan gobolka uu yahay in ay ka jawaabaan xasaradaha iyo dhibaatooyiinka.
“Doorkeena asaasiga ah ee halkan aan u joogno waa in aan awood u yeelano inaan ka jawaabno dhibaatooyiinka, gaar ahaan inaan ka jawaabno dhibaatada la so gudboonaata diblomaasiyiinta Mareykanka guud ahaan Afrika gaar ahaan kuwa bariga Afrika,” ayuu u sheegay BBC-da.
Jeneraalka hogaamiye ciidamada Mareykanka ee geeska Afrika Janaraal William Zana ayaa caddeeyay inay u diyaar garoobeen ka jawaabida haddii Addis ababo uu dagaal ka dhaco oo ay xaaladda sii xumaato.
“Waxaan sameynay diyaar garow wanaagsan iyo qorshe si ay noogu suuragsho in aan ka jawaabno oo aa gacan ka geysano daad-gureynta shaqaalaha iyo inaan sameyno howlgal daad-gureyn ah oo ballaaran oo laga soo qaadayo shaqaalaha Mareykanka , muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa dalalka kale, ayuu yiri Janaraal Zana.
Waxaa muuqata in Mareykanka uu dadaal u galay in wadahadal lagu dhammeeyo dagaalka Itoobiya, laakiin haddii xaaladu ka sii darto uu kaliya faragelinta u sameyn doono si Addis ababa looga daadgureeyo dadka Mareykanka iyo Ajanbiga kale.
