Ciidamada Mareynkanka ayaa duqeyn kale ka fuliyay gudaha Soomaaliya, taasoo laga fuliyay 26-kii bishan degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Weerarka ayaa taliska Mareykanka ee Africa uu xaqiijiyay inuu ku dilay labo ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab halka mid kale la dhaawacay, iyadoo aanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab oo kaliya qatar ku ahayn nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.
Duqeynta ayaa ahayd tii lixaad Ciidamada Mareynkanka ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.