Friday, June 27, 2025

Ciidamada Muqdisho oo soo bandhigay Hub iyo Maandooriye lagu qabtay howlgalladii Ammaanka [Sawirro]

Ciidamada ammaanka magaalada Mudqisho ayaa maanta soo bandhigay hub iyo maandooriye ay ku soo qabteen howlgalladii uu danbeeyay ee ay caasimadda ka sameeyeen.

Hubkan iyo agabka kale ayaa lagu soo bandhigay xarunta Dugsiga Booliska ee Gen. Kaahiye, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Waxybaaha lasoo bandhigay oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay degmada Dharkeynley waxaa ka mid ahaa: Xashiish, Taargoyinka babuurta, bistoolado, iyo dareyska ciidamada.

Dhinaca kala wasiirka amniga iyo taliska Booliska ayaa maanta lagu wadaa inay shaaciyaan natiijadii baaritaan ku socday dilkii dhowaan ka dhacay degmada Xamarweyne ee lagu khaarijiyay mas’uuliyiin ka tirsanaa ururka haweenka Qaranka Soomalaayeed.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON