Thursday, April 18, 2024

Ciidamada NISA iyo kuwo Milateri oo ku dagaalamay Muqdisho [5 Askari nolosha lagu qabtay]

Iska hor imaad ayaa ciidamada Nabadsugidda iyo kuwo milateri ah ku dhex maray degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dhalatay markii ciidamo milateri ah ay tageen Guri uu lahaa qof shacab ah iyagoo muran kala dhaxeeyay oo doonayay inay awood ku maquuniyaan, waxaana ku baxay oo dagaal la galay ciidamada milateriga ka tirsanaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsuggida ay gacanta ku dhigeen shan nin oo ka tirsan ciidamada Militariga, kadib markii iska hor imaad dhex maray. Iska hor imaadka ayaa yimid ciidanka NISA ay ka hortageen raggan ciidanka Militariga ka tirsan oo doonayay inay ku dhacaan nin la sheegay inuu leeyahay milkiyada guri ku yaalla Degmada Waaberi oo ay sheeganayaan.

Ad

Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay inay nolosha ku soo qabtaan 5 saskari iyo hubkooda, iyadoo uu baxsaday hal askari, dadka degaanka ayaa sheegay in laba ka mida ciidamada Militariga ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi.

Halka  iska hor imaadka ka dhacay ayaa ku dhow xarunta Degmada Waaberi, waxaana halkaasi booqday mas’uuliyiinta degmada Waaberi iyo Saraakiisha ciidamada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON