Friday, June 27, 2025

Ciidamada NISA oo ku sigtay inay qaabka Alshabaab u khaarijiyaan Weriye ka howlgala Muqdisho [Dhageyso]

Ciidamo bistoolado ku hubeysan oo ka tirsan Sirdoonka NISA ayaa weerar ku qaaday weriye ka howlgala magaalada Muqdisho oo looga shakiyey Alshabaab, halka weriyaha uu  ciidamada uga shakiyey inay yihiin Alshabaab.

Weriye Axmed Yuusuf Saleebaan oo ka tirsan Telefishanka Horn Cable ayaa sheegay inay saddex nin oo bistoolado ku hubeysan ay xalay ku soo weerarreen degmada Waaberi, xili uu gurigiisa ka baxay, kun socday garoon ciyaar, isaguna u qaatay inay Alshabaab yihiin, oo laba kamida uu bistoolad kula dhegay ayna jirdileen mid kalena uu rasaas ku riday balse ay u dhici weyday.

Weriyaha ayaa sheegay in markii danbe ay ku soo baxeen ciidamada Booliska oo aqoonsaday una sheegay inuu yahay weriye, markaas kadib oo ay isaga tageen, wuxuuna cabsi ka muujiyey sida ay ula dhaqmeen iyadoo dili gaaray, isla markaana jirdil xoog leh u geystay.

“Wariyaha markii uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaala inta u dhaxeyso Isgoyska Dabka iyo Xarunta Degmada Waaberi, ayay wadada ku kulmeen saddex askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaa oo aan wadan labiska ciidamada, bastooladana way wateen. Waa uu ka shakiyay markii ay dhankiisa u soo dhaqaaqeen, waxba kalama uusan socon inay NISA iyo Shabaab yihiin, toona, wuu ka cararay, wayna eryadeen iyagoo rasaas ku ridaaya. Wuxuuba is dhahay nimankii madax jebiska ee Al Shabaab ayaa caawa ku soo weeraray.”

Weriyaha ayaa intiii cararayay dhowr jeer kufay oo uu dhacay, markii dambe inta uu kufay ayay soo kor istaageen, mid ka mid ah askartii NISA ayaana bastoolad madaxa ka saaray, riishadda ayuuna riixay, laakiin way ka leeb dhacday. Tiisa ayaa wax ka harsaneyd ee inuu dilo ayuu rabay. Intaas wuu qaylinaayay wuxuuna lahaa war ha i dilina, waxaan ahay nin Wariye ah, marna wuu Ashahaadanayay.

Degmada Waaberi iyo xaafadda uu falkan ka dhacay ayaa ah meel lagu khaarijiyay saraakiil iyo dadweyne fara badan, mana jirto wax war ah oo ay arrintan kasoo saareen NISA.

DHAGEYSO WERIYAHA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON