Tuesday, July 15, 2025

Ciidamada NISA oo shaaciyey inay Muqdisho ku qabteen Laba xubnood oo ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Amniga magaalada Muqdisho ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyagoo gacanta ku soo dhigay laba xubnood ka tirsan kooxda Alshabaab, sida uu shaaciyey Taliska NISA.

Warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay habeen hore, kaasoo ahaa  keenay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigaan labada dhagarqabe ee Alshabaab ka tirsanaa sida lagu yiri warka NISA.

“Habeenimada 23-ka Agoosto, ciidanka Nabadgelyada ayaa Degmada Wadajir waxay howlgal kusoo qabteen labo shakhsi oo argagaxisada Alshabab ah. Howlgalkaan oo lagu sugayey nabadgelyada dadwaynaha soomaaliyeed,  cidna wax kuma noqon.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga, inkastoo ay dhacaan dilal qorsheysan iyo falal amni darro oo waaweyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON