Monday, June 23, 2025

Ciidamada qabsaday xaafado ka mida Muqdisho oo Guddi sameystay (Miyey ka madax bannaan yihiin Musharixiinta?)

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Milateriga ee qabsaday xaafado ka mida degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Kaaraan iyo C/casiis ayaa lagu dhisay Guddi hoggaan iyo Afhayeen.

Ciidamadan oo ka taliya qeybo ka mida caasiadda ayaa abaabulkooda waxaa qeyb ku lahaa oo dhaqaale ku bixiyey xubno ka mida Midowga Musharixiinta, laakiin hadda waxay u muuqdaan inay noqdeen xoog cusub oo siyaasadeed, waxaana ay doonayaan inay si toos ula xaajoodaan Ra’iisal wasaaraha.

Guddiga hoggaanka saraakiisha ciidamada hoggaamiya ee la magaaabay ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana ka mida:

Ad

Jen. Cali Cosoble Caraay (Gacma-dulle)
Jen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon)
Jen. Yuusuf M. Siyaad (Indha-cadde)
Col. Cismaan Xaadoole
Col. Saneey Cabdulle Gaab
Col. Ismaaciil Cabdimaalik
Afhayeenka G/lle Diini Rooble

Afhayeenka ciidamadan ka taliya xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen markoodii hore, wuxuuna dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka mar haddii waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase.

Afhayeenka Gaashaanle Diini Rooble Axmed ku hadlay afka Guddiga saraakiisha ah ee maamusha ciidmada ayaa sheegay inay sii joogi doonaan magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii horeba keenay inay saldhigayo ka samaystaan xaafado ka tirsan magaalada.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON