Monday, June 23, 2025

Ciidamada Somaliland oo xiray Isgaarsiintii Laascaanood iyo Bannaanbaxyo weli socda

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inay weli halkaasi maalintii 7-aad ka socdaan bannaanbaxyo looga horjeedo maamulka Somaliland oo dadweynaha ku dalbanayaan inay ciidamadooda ka baxaan magaalada.

Banaanbaxyada oo rabasho watay ayaa saaka mar kale dib uga bilowday magaakada, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay hawada ka saareen Khadkii Isgaarsiinta ee Internetka.

Somaliland ayaa amar ku siisay shirkadaha GOLIS, Telesom, Somtel ee bixiya adeegga Internetka inay damiyaan adeegaasi, taasoo magaalada ka dhigtay mid aan lahayn Internet, waxaana tallaabadaasi loo qaaday in lagu yareeyo wararka dadka magaalada ku baahinayaan dhacdooyinka magaalada.

Ad

Xaaladda Gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana go’aanno kala duwan soo saaray Isimada kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo Magaalada Laascaanood

Rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ayaa dhaliyey dhimashada 7 qof oo ciidamada Somaliland ay ku dileen magaalada, kadib kacdoon shacbi oo ka dhashay dilalka qorsheysan ee lagula kaco haldoorka Gobolka Sool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON