Wrarka laga helayo Gobolka Galghaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyada degaanka ay maanta gaareen degaanka Mesagowaay oo katirsan Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay inay ciidamada is-kaashanaya gudaha u galeen degaanka Mesegowaay, ee Gobolka Galgaduud oo in ka badan 13 sano ay ka talinayeen Alshabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada galay Mesegowaay ayaa waxaa ka mida Gen. Tareedishe iyo Gen. C/llaahi Gacma-Dulle, Cumar Macallin Nuur iyo saraakiil kale.
Gen. Gacma-dulle ayaa sheegay inay weerarreen Magaalada Mesagowaay, Alshabaabna ay kala cararreen, ciidamada dowladdana ay dagaal kula wareegeen.
Waxaa degaanka isaga baxay Alshabaab, kadib dagaal kooban oo ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, waxaan haddda socda baaritaanka lagu hayo wadooyinka iyo gudaha magaalada.
