Tuesday, April 16, 2024

Maxaa ka jira inuu Galgaduud Dagaal dhex marayo Maleeshiyo ka wada tirsan Alshabaab?

Warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliyaayaa fafisay inuu dagaal dhex maray maleeshiyaad ka wada tirsan dagaalyahannada Al Shabaab, kuwaas oo la shegay inay ku dagaalameen degaan hoostaga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu dhex maleeshiyo gadood sameysay, kana baxsanayey Xarardheere iyo dagaalyahano kale oo kasoo horjeeday oo madaxda Alshabaab ay ku amreen inay tallaabo ka qaadaan.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 10 ka mida Alshabaabkii dagaalamay, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sida Warbaahinta dowladda ilo ka tirsan sirdoonka Qaranka.

Ad

Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay dagaalka dhex maray Alshabaab, laakiin dadka degaanka qaarkood ayaa laga soo xigtay in iska hor imaadyada Xarardheere iyo duleedkiisa ay weli socdaan, ayna dhex marayaan horjoogayaal iska horjeeda iyo maleeshiyo ay wataan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii maleeshiyaadka horjoogaha Muxudiin Daqare ay magaalada Xarardheere dhinac uga baxeen, iyagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan Alshabaab.

Horjooge kale oo magaciisa lagu sheegay Nuunaale ayaa la sheegay inuu heysto kooxda Jabhadda ayaa amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac qasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray, sida Warku sheegay.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON