Saturday, July 5, 2025

Ciidamada ugu badnaa ee ilaalada Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Waxaa magaalada Dhuusamaareeb saaka gaaray ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sii jeeda magaaladaasi.

Ciidamadan oo ah kuwii ugu badnaa ee Axmed Madoobe la tago meel ka baxday magaalada Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan 30 askari, waxaana sidoo kale la socon doono horin kale oo ciidamo ah.

Axmed Madoobe ayaa magaalada Garowe hore ula tegay ciidamo gaaraya 11 askari oo markaasi loo diyaariyey Gaari Cabdi Bille ah, laakiin ciidamada magaalada Dhuusamareeb uga hor maray ayaa ah kuwii ugu badnaa ee u raaca meel ka baxday degaanada uu ka taliyo, waxayna ilaalin doonaan Guriga looga diyaariyey magaalada Dhuusamareeb.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON