Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa saakay howlgal kula jarmaaday xaafadda ugu qaraxyada badan magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa xiray wadooyinka gala xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, iyagoo baaritaan ka bilaabay guryahay iyo dhismooyinka ku yaala xaafadaasi oo qaraxyo fara badan ay ka dhacaan.
Waxaa la arkayay Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Xasilinta oo lagu gooyay wadooyinka gala Xaafadda Taleex, iyadoo si weyn loo baaray guryaha ku yaala agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdi Qaasim, halkaasoo dhowaan uu ka dhacay qarax lala beegsaday xildhibaan ka mida Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xasilinta ay Howlgalka ku soo qabteen dhalinyaro fara badan oo laga shakiyay, kuwaasoo lagu qaaday gaadiidka ciidamada si baaritaan loogu sameeyo.
Goobjooge