Thursday, July 10, 2025

Ciidamada Xasilinta oo Dib u soo celiyey Wadooyinka kala xirnaa ee magaalada Muqdisho

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa dib u soo celiyay xayiraadii saarneyd Isu socodka Wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadadda Maka Almukarama oo laga joojiyeya inay u soo gudbi karin gaadiidka ka imaanaya qeybaha kale ee magaalada.

Ciidamada ayaa xiray Wadooyinka jidka Wadnaha ee laga soo galo Wadadda Maka Almukarama oo xarumaha dowladda ay ku badan yihiin waxaana la xiray Isgoysyada Sey Biano, Banadir, Zope, Km 4, Dabka, Trebunka, iyadoo gaadiidka uu ka bixi karo wadooyinkaasi balse aanu ku soo laaban karin.

Waxaa sido kale xiran qeybo ka mida wadooyinka Warshadaha iyo Jidka Wadnaha oo gaadiidka laga celinayo mararka qaarkood, waxayna arrintan dadka Muqdisho dib ugu celineysaa Bishii Ramadaan iyo ka hor oo magaalada ay laba dhinac u qeybsaneyd, taasoo ay si weyn uga qeyliyeen dadweynaha caasimadda.

Amarka cusub ee xiritaanka wadooyinka ayaa soo baxay kadib weerarkii Alshabaab ku qaaday Xarunta Otto Otto ee degan yihiin wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha oo mar kale soo shaac bixiyey inuusan fari ka qodneyn amniga magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON