Ciidamada Xaslinta caasimadda ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgallo culus oo habeenkii lagu qaadayo xaafadaha kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Toddobaadkan waxaya ciidamada habeennimo howgallo ka sameeyeen xaafado ka mida degmooyinka Dharkeynley, Wardhiigley Yaaqshiid, waxayna xalay galeen xaafado ka tirsan degmada Shibis oo shalay qarax Gaari loogu xiray lagu dilay mid ka mida shaqaalaha Garoonka Adan Cadde.
Ciidamada ayaa baaritaan ku qaaday Gaadiidka iyo Guryaha dadka, waxaana lagu qabtay howlgalka dhalinyarrofara badan oo ku sugnaa xaafadaha howlgalka ka dhacay, iyagoo intooda badan markii dambe la sii daayay, halka qaar kale xabsi loo dhaadhiciyay.
Howlgallada ciidanka Xasilinta caasimadda yaa imaanaya iyadoo falal dilal iyo qaraxyo qorsheysan ay ku soo bateen magaalada, taasoo aan weli xal loo helin.
Goobjooge