Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalkaan Banaadir, kadib falal amni darro ah oo halkaasi ka dhacay.
Ciidamada fara badan oo kuwa xasilinta ah ayaa baaritaan ka bilaabau xafdda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid kadib markii halkaasi ay fal dil ah ka geysteen dabley bistoolado ku hubeysan oo ka tisan Alshabaab.
Boqolaal qof ayaa lagu qabqabray howlgalkaasi, waxaana dadka degaanka ay sheegeen, waxaana inta badan dadkaasi ay dii daayeen markii la hubiyey, iyadoo qaar laga shakiyey ay kaxeysteen ciidamada.
Ciidamada xaafadda Towfiiq ayaa sheegay in ciidamda ay ku abuureen xaalad cabsi ah markii ay xoog ku galeen guryaha ayna si aan wanagasaneyn ula dhaqmeen dadka xaafadaasi.