Friday, June 27, 2025

Ciidamada Xasilinta oo howlgalkii ugu weynaa ka wada Muqdisho & heegan la geliyay magaalada [Akhri Sababta]

Howlgalkii ugu weynaa ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada xasilinta caasimadda ay wadaan mid ka mida baaritaanadii ugu badnaa.

Ciidamo fara badan ayaa ku sugan wadooyinka iyo Isgoysyada Muqidsho, waxaana baaritaan lagu wadaa gaadiidka, siiba kuwa yaryar ee raaxada oo si weyn loo hubinayo.

Baaritaanada ciidamada ayaa ka socda degmooyinka Xamarjajab, Waaberi, Hodon, Wardhiigley iyo degmada Wadajir. Waxa kaloo baaritaanka uu saameyn ku yeeshay dadka adeegsada gaadiidka dadweynaha.

Dad badan ayaa maanta la sheegay inay guryahooda iska joogeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin  madaxda dowladda taasoo ay ku wargeliyeen ciidamada ammaanka, waxayna maanta ku beegan tahay 17-ka Ramadaan oo ah maalintii uu dhacay dagaalkii Beder ee Muslimiinta iyo Gaalada dhex maray.

Kooxda Alshabaab ayaa caadiyan xoojisa weerarrada iyo qaraxyada ay qaadaan bishan Ramadaan iyo maalintan, waana sababta sida weyn loogu adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON