Monday, June 23, 2025

Ciidamada Xasilinta oo qabtay Dabley hubeysan oo iska hor imaad dhex maray

Ciidamada xasilinta Muqdisho ayaa gacanta ku dhigtay dabley maleeshiyo ah oo iska hor imaad dhex maray.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay xaafadda Kaawa-godey, ee degmada Wadajir, kadib markii ciidamada oo ku jira howlgal ay laba nin oo hubeysan ku amreen inay hubka dhigaan, balse ay diideen.

Maleeshiyadan ayay is-rasaaseyn daqiiqado socotay ay dhex martay, waxaana la sheegay in markii danbe ay is dhiibeen, iyadoo la xiray, waxayna ahaayeen maleeshiyo xiran dharka shacabka.

Rasaasta oo khalkhal gelisay xaafadaha degmada Wadajir ayaa la sheegtay inuu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada xasilinta, kaasoo loo qaaday isbitaalaada Muqdisho.

Labada nin ee dagaalka kala hor yimid ciidamada ayaa la geeyay xarunta Baarista ciidamada. Waxaa gebi ahaan degan xaaladda degmada iyo xaafadii uu dagaalku ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON