Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay la wareegeen degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada iskaashanaya ayaa ka baxay degmadda Baraawe, waxayna gaareen degmada Sablaale oo ay ka talinayeen Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab. Dadka degaanka ayaa sheegay in maleeshiyadii Alshabaab ay isaga baxeen halkaasi kadib markii ay ka warheleen ciidamada kusoo wajahan.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in degmadda Sablaale gacanta ay ku dhigeen ciidamada xoogga dalka, isagoo xusay in Xaaladda degmadda ay degan tahay, isla markaana uu socdo baaritaan ammaanka lagu xaqiijinayon.
Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin deegaano kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Nabad diidka Alshabaab.
Lama oga inay ciidamada qabsaday Sablaale sii joogi doonaan halkaasi iyo inay dib uga soo laaban doonaan, sida lagu bartay ciidamada dowladda.