Ciiamadii Booliska Gaarka u tababarran ee Haramcad ayaa Galabta laga qaaday magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, iyadoo dib loogu celiyay magaalada Muqdisho.
Wararka qaar oo uu beeniyay Maamulka Galmudug ayaa sheegayey in ciidamada Harmacad oo ku dhow 200 askari, kuna sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ay dalbadeen in hakaasi laga qaado qaar ka mida madaxda dowlad Goboleedyada oo shir uga furmayo Berri halkaasi, laakiin xogta la helay ayaa sheegeysa in daadgureynta ciidamadan ay hore u qorsheysneyd.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo Kumaandooska Danab oo laga diray xaruntooda magaalada Gaalkacyo ayaa bedelaya ciidamada, waxaana sidoo kale magaalada ku wajahan ciidamo fara badan oo ilaalo u ah madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee gaara magaalada Dhuusmaareeb iyadoo ciidamo wata afar gaadiid oo nooca dagaalka ah oo ilaalo u ah ay dhinaca dhulka ku gaari doonaan magaalada Dhuusamareeb.



