Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay ciidamadii ilaalada madaxtooyada ee Koofiyad casta loo yiqiin (Military Police).
Ciidamadan oo tan iyo dowladii Siyaad Barre ilaalo ka ahaa madaxtooyada ayaa la xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo uu ka joojiyay inay ka howlgalaan gudaha Villa Somalia iyadoo lagu bedelay ciidamo cusub.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Gaashaan ee Nabadsugidda iyo qaar kamida ciidamada DANAB ayaa lagu wareejiyay ilaalada xarunta madaxtooyada iyo ammaanka madaxweynaha iyagoo ay ku wehliyaan ciidamada AMISOM.
Ciidamadii hore ayaa la sheegay inay joogaan afafka laga galo madaxtooyada oo qura. Lama oga sababta keentay in la bedelo ciidamadii ilaalada ka ahaa madaxtooyada, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in isbedel weyn oo dhinaca ammaanka ah lagu sameeyay Villa Somalia kadib markii uu talada la wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Taliye cusub ayaa lagu wadaa in dhowaan loo magacaabo madaxtooyada, waxaana si kumeelgaara weli xilkaasi u haya taliyihii hore.
Goobjooge.com