Wararka laga helayo magaalada Baydhabo sheegaya inay wali halkaasi ka taagan tahay xaalad cakiran, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Mucaaradka ay maanta dib ugu laabteen, laguna arkay Gurigii Mushrax Fargeeti ee shalay dagaalka culus ka dhacay.
Wararka aya sheegaya in ciidamo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dheere ay galeen Gurigii Maxamed Farkeeti, iyagoo hubeysan, ayna halkaasi fariisin ka dhigteen.
Sarkaalkaan ayaa laga soo xigtay inay hadda dagaalka kusoo biireen, markii lagu weerarray Gurigooda, waxaana hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada Baydhaba.
Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa maanta kulan la yeeshay Odayasa dahqanka beelaha Mirifle, isagoo kala hadlay xal u helidfda xaaladda ka tagaan magaalada Baydhaba.