Wednesday, June 25, 2025

Wasiirkii Warfaafinta K/Galbeed oo xilka iska casilay, Eedeyna culus-na u jeediyay Lafta-gareen

Wasiirka Warfaafinta maamulka K/Galbed ee Soomaaliya ayaa iska casilay xilka, kaddib markii ay uu sheegay inuu aad uga xumaaday dagaalkii Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhacday wax qaan la qaadan karin, ballan ka bax lagu sameeyay, isla markaana ay u cuntami weysey waxa lagu sameeyay dadkiisa, iyadoo weerar lagu qaadey dadkooda, lana qadarin waayey Malaaqa, xildhibaanka Federaalka iyo isaga.

“Dhibaatadii shalay dhacday mas’uuliyadeeda waxaa is kaleh maamulka K/Galbeed.. Waxaa dhacday wax aanan sheegi karin.. dad baa la dilay, qaar waa la dhaawacay, qaar kalena waa la qabqabtay..” ayuu yiri Wasiir Ilyaas.

Wasiirka is-casilay ee Warfaafinta maamulka Koonfur galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inaanu dooneyn xil dagaal lagu abuurayo dadka lagu leynayo, sidaasina uu uga tegay maamulka Lafta-gareen ee K/Galbeed.

“Anigoo Ilyaas Nuur Cali oo maskaxdeyda ay tahay taam waxaan iska casilay laga bilaabo maanta xilkii wasiirka warfaafinta Dowlada Koonfur galbeed, sababtuna waxay tahay markaan u adkeysan waayey leynta uu dadkayga lagu haayo” ayuu yiri Wasiirka oo farriin u diray ciidamada Itoobiya, una baaqay inaan loo adeegsan siyaasadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON