Thursday, June 26, 2025

Ciidamadii ugu badnaa oo ku qulqulaya Degaanka Tukaraq & Madaafiic la is weydaarsaday

Wararka laga helaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamdii ugfu badnaa ay halkaasi ku daabuleen maamullada Puntland iyo Somaliland iyadoo laga digay inuu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac.

Wararka ayaa sheegay in in Madaafiic  ay is weydaarsadeen labada ciidan Somaliland iyo Puntland xalay, kuwaasoo deryankooda laga maqlay degaanada ku dhow halkaasi, sida ay sheegeen dadka degaankaasi, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay maamulka Puntland uu halkaasi u diray ciidamo fara badan.

Madaafiicda ay xalay is weydaarsadeen labada dhinac ayaa la soo weriyay inay dhaliyeen qasaare  dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay askari ka tirsanaan ciidamada Somaliland, waxaan ku dhaawacmay mid kale firirka madaafiicda ay gaareen.

Q/Midoobay iyo Hay’adda caalamiga ah  ee Xasaradaha Adduunka ICG ayaa dhowaan ka dhigay in colaadda Tukaraq xal loo waayey, ayna suuragal tahay in mar kale ay dib u qaraxdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON