Monday, June 23, 2025

Ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil uu ka mid yahay Jen. Saadaq Joon oo qabsaday magaalada Camaara

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa qabsadayn magaalada muhiimka ah ee Camaara, Gobolka Mudug.

Dagaal toos ah iyo duqeyn toddobaadyo socotay kadib ayey galabta u suuragashay inay dib ula wareegeen magaalada Camaara oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaayeen sannadihii u dambeeyey.

Kadib markii Alshabaab isaga baxeen dhufeysyadii Qaycad ayaa sidoo kale la sheegay inaysan wax dagaal ka dhicin magaalada Camaara oo si nabad ah ay gudaha Camaara u galeen ciidamada huwanta.

Jeneraal Saadaq Joon oo ka mida ciidamada qabsaday Camaara ayaa dadka degaanka halkaasi kula hadlay isagoo u sheegay inay doonayaan si xornimo ah inay dadka degaanka ku noolaadaan.

Saaka ayay ahayd markii ciidamada wada jira ayaa la wareegay gacan ku haynta degaanka Qaycad oo muddoyinkan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab balse duqaymo cirka ah kadib ay maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga baxeen degaankaas.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qoraal uu soo saaray ciidamada ugu hambalyeeyey horumarka ay sameeyeen, kuna dhiirigeliyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON