Monday, June 23, 2025

Ciidamo badan oo la dhigay Wadooyinka Muqdisho iyo Wado Muhiim ah oo la xiray ka hor Mooshinka Jawaari

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay ciidamo badan dhigtay wadooyinka magaalada Muqdisho 24 saacadood ka hor mooshinka muranka ka taagan yahay ee guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ciidamada Dowladda ayaa maanta Wadooyinkii soo geli jiray jidka Wadadda Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo loo diiday inay gaadiidku u soo gudbo dhinaca Maka Almukarama.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in Wadooyinkii isku xiri jiray Jidka Wadnaha iyo Jidka Maka Almukarama lagu xiray Gaadiidka Ciidamada dagaalka, Dhagaxaan iyo Biro hor leh, waxaana la xiray Isgoysyada Foloronsa, Geed jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha iyo Taleex.

Ciidamada ayaa u diidaya gaaadiidka iyo Mootooyinka in ay isticmaalaan wadooyinka u xiran, waxaana horay ugu xirnaa wadooyinka dhanka Xaafadaha, iyagoona kusoo koobay isgoysyada oo kaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa kacsan iyadoo in ka yar 24 saac ka harsan tahay Mooshinka kala qeybiyey xildhibaannada Baarlamaanka ee laga keenay Guddoomiye Jawaari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON