Friday, July 25, 2025

Ciidamo Boolis ah oo la wareegay koontarooladii ay Muqdisho ka joogeen ciidamada Asluubta

Taliska ciidamada Dowladda ayaa ka qaaday dhammaan ciidankii Asluubta ee ku sugnaa  Barihii koontaroolada ee degmada Xamarweyne, waxaana ay ku wareejisay ciidamo boolis ah ka dib markii dhowr ay rasaaseeyeen masuuliyiin dowladeed.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo cusub geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.

Ciidankii Asluubta ayaa loo badalay goobo kale oo ku yaalla Muqdisho, waxana dhammaan Kontorooladaasi hadda kadib ilaalin doona ciidanka booliska.

Ciidanka Asluubta ee fadhiyadoodu ahaa Jidka Xeebta ayaa ayaa horay u rasaaseeyay Nabadoono, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno dowladeed oo kale, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON