Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka la xiray qaar ka mida Waddooyinka magalada, iyadoo lagu aray ciidamo fara badan oo joojiyay isu socodkii gaadiidka.
Waddooyinka la xiray waxaa ka mida jidka Maka Al-Mukarama, wadadda tagta Trebuunka ilaa Isbitaalka Xoogga, iyo dhammaan waddooyinka soo gala xarunta Golaha shacabka, waxaana ciriiri galay gaadiidka wadooyinkaasi mari jiray.
Wararka ayaa sheegaya in laga war helay xaalado amni darro oo magaalada ku so wajahan, iyadoo Alshababa ay sii xoojiyey qaraxyada iyo falalka amaandarro ee magaalada Muqdisho ay ka wado.
Ciidamadan ayaa u muuqda kuwo adkeynaya ammaanka xarunta Golaha Shacabka oo lagu soo kordhiyay Dhagxaan waaweyn oo hor leh, waxaana ciidamo dhereaad ah la geeyay Isgoyska Sayidka oo dhowaan qarax ka dhacay iyo wadoyinka laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.