Thursday, July 3, 2025

Ciidamo cusub oo la wareegay Barihii ciidamada Booliska ka howlgeli jireen ee Muqdisho

Iyadoo uu socdo howlgalkii sugidda ammaanka ee xasilinta Muqdisho ayaa lasoo weriyay in ciidamo cusub ay la wareegeen barihii ciidamada Booliska ka howlgeli jireen ee Muqdisho.

Jid-gooyooyinkii gudaha magaalada ee lagu sugi jiray ammaanka oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamo taabacsan qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa laga qaaday maanta iyadoo lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah kuwa Birmadka.

Ciidamadan cusub ayaa ka tirsan Booliska, waxayna hore ugu sugnaayeen xarumo gaara ayaa hadda ammaanka gudaha magaalada loo xil saaray, iyadoo ciidamadii Booliska qeybta guud ee Gobolka Banaadir lagu celiyay taliska booliska iyo saldhigyadoda.

Tallaabadan ayaa ah mid wax looga bedelayo sugidda ammaanka caasimadda, iyadoo uu socdo qorshe lagu sugayo nabadda magaalada oo ay wadeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay.

Isgoyska magaalada iyo baraha ciidamada ku leeyihiin magaalada ayaa laga dareemay isbedel iyadoo ay la wareegeen ciidamo feejigan oo habeen iyo maalin ku sugnaan doona.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON