Ciidamo fara badan ayaa la dhigay wadooyinka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, iyadoo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka dhaco bannaanbax ay soo qabanqaabisay Ahlu suna oo looga horjeedo maamulka dowladda taageersan tahay ee Galmudug.
Ciidamada oo ah kuwa dowlada ayaa xiray wadooyinka magaalada, waxaana ay joojiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka, kadib xog laga helay bannaanbax Ahlu suna wado oo lagu wady inuu magaala ka dhaco salaada Jimcaha kadib.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa kacsan kadib markii uu hoggaaminaya Ahlu suna ugu baaqay taageerayaashiisa inay hubka qaataan oo is difaacaan, isagoo xalay ka hadlayey shir ay yeesheen taageerayaasha Ahlu suna.
Ciidamada dowladda ayaa shalay degaanka Guriceel ku hor istaagay taageerayaal ka tirsan Ahlu suna oo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo markii dambe lug ku galay magaalada.