Ciidamo ay dowlada Soomaaliya geystay magaalada Gaalkacyo ayaa xiisad ka dhex abuurtay maamulada magaaladaasi ka jira ee kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.
Ciidamadan oo ujeedkooda warar is khilaafsan ka soo baxeen ayaa howlgal ka bilaabay dhinaca Koonfureed ee Gaalkacyo iyagoo habeenimo saqdii dhexe kadib guryahooda kala baxay dad dhowr ah, taasoo keentay inay qeylo dhaan soo saaraan maamulka Koonfurta Gaalkacyo.
Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf Barre ayaa sheegay inay ka horjeedaan tallaabada ciidamadaasi ku galeen dhinacdooda, wuxuuna sheegay inaysan wax xiriir ah la soo sameynin maamulkooda, ayna khalad tahay in warbixin laga qaatay hal dhinaco lagu howlgalo.
Dhinaca kale Duqa degmada Gaalkacayo ee Puntland Maxamed Yaasiin Tumay ayaa isna laga soo xigtay in ciidamada DANAB ee tegay Gaalkacyo ay ka qeyb qaadanayaan sugitaanka ammaanka magaalada Gaalkacyo labadeeda dhinac, isla markaana ay la shaqeynayaan ciidamada Puntland.
Waxaa muuqata in dhinaca Puntland ay ka war hayaan, lana socdaan howsha ciidamada tegay Gaalkacyo, halka Galmudug ay ku soo baraarugtay markii dhinaceeda howlgal ay ka fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo Galmudug ku eedeyneyso inay la safteen Puntland.
Goobjooge.com